Search

Barnaamijka

Soo Bandhigida Xaqiiqada Tahriibka oo Horn Cable la shaqaynaya ayaa barnaamijkaan abaabulay.  

Barnaamijka waxa uu xooga saraya dhibaatada dhalinyarada ay Tahriib kala kulmi karaan iyo dhibaatada bulshada deegaanka Tahriibka uu ugaysay.

Barnaamijka waxa uu isku keenay xeeldheertaan:

Mohamed Hussein Geeldoon, qoraa mar isku dayey inuu tahriibo. Waxa uu ka hadlayaa safarka halista ah oo uu soomaray iyo sidda uu dhimasho dhowr jeer oogu dhawaaday. Kadibna waxa uu ka sheekaynayaa xabsii lagu xiray Liibiya. Mr. Geeldoon buug ayuu qisadiisa ka qoray.

Rahma Said, oo abwaanad ah, ayaa ka hadlaysa dhibaatada tahriibka u geystay bulshada deegaanka. Waxay sheegtay in haween maskiin ah oo deriskeeda ah, labo caruur  in ay Tahriibka ooga dhinteen.

Jibriil Muuse Liban oo ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed oo dhigta jaamacada Hargeisa oo hadana meel u dhaafin dalkiisa ayaa fakarkiisa bixiyay. Waxa uu ka hadlay sababta tahriibka iyo waxa keenay in uu dalkiisa joogo saaxiibadii oo wada dhaqaaqay. Jibriil wuxuu sheegay in dadki tagay nolosha Yurup aad ay ugu adkaatay.

Sidoo kale Magafe ayaa warbixin dhiibay. Magafaha wuxuu yiri in uu shaqada bilaabay isagoo da’yar ah. Waxa uu sheegay sidda uu ganacsigaan u faa’iido badan yahay. Doon walbo wuxuu ka faa’iidaa 11,000 USD.

Halkan ka dhagayso Barnaamijka oo kooban

Taariikhda wareysiga: 30 August 2017  |  Taariikhda la badalay: 31 August 2017