Search

Mustaqbalka Muno ee aan la hubin

00

Muna waxay soo martay dhibaatooyin badan oo aysan filayn intii ay ku jidhay tahriibka Yurub. Sideed maalmood ayay iyada iyo qaxooti kale waxay lugg ku soo mareen saxaraha Libya iyaga oo aan wadan biyo iyo cunto ku filan. Waqtigaas waxay aragtay dadka oo u dhimanaya gaajo iyo haraad iyo qaar kale oo lagu sameynayo tacadiyo iyo jirdil kala duwan.

“Waxaa naga dhintay sadex qof, ka dibna waxaan gacanta u galnay muqalasiinta, waa adagtahay in laga hadlo waxyaabihii ay ku sameeyeen dumarka,” ayay tiri. “Waxay ahayd nolol adag oo aanan soo koobi karin.”

“Wax kasta waan arkay, ma ahan waxyaabo aad dhowr eray ku qeexi karto. Waxaa jiray dumar waayeel ah oo la jirdilay.” ayay ku dartay.

“Waxaan joogay hal bil oo waxaa naloo sheegay in aysan jirin doomo baxaya. Cimiladu aad ayay u kuleyn biyana ma aanan haysan. Dad badan ayaa arkaysaa oo maqribkii nool subaxdiina dhintay” ayay tiri.

“Waxaan arkay kuwo lagu aasay kabaha, xitaa waxaan xasuustaa mar uu qof dhintay oo dadka kale ay ka qaateen timirtiisa iyadoo meydka uu daadsanyahay. Waa igu adagtahay in aan xasuusto xaaladaas.”

Maanta Muna waxay ku nooshahay Sweden oo ay wali sharci ka sugayso.

“Xaalada Yurub waa sii xumaatay, ma hubo sida mustaqbalka uu noqonayo,” ayay tiri. “Wali waxaan dareemayaa sidii in aan doon saaranahay, oo aanan hubin in aan horumar gaarayo iyo in kale? Waa xaalada aan ku suganahay ee ah in aanan ogeyn mustaqbalkayga.”