Warning: Use of undefined constant DATABASE_SERVER - assumed 'DATABASE_SERVER' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/tellingt/public_html/wp-config.php on line 32

Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /home/tellingt/public_html/wp-config.php:32) in /home/tellingt/public_html/wp-content/plugins/sg-cachepress/class-sg-cachepress.php on line 311
Ku saabsan - Soo Bandhigida Xaqiiqada
Search

Soo Bandhigida Xaqiiqada waa mashruuc ku saabsan tahriibka ay soo mareen qaxootiga Soomaalida iyo Eritrea si ay u soo galaan Yurub.

Sanado badan ayaa qaxootiga iyo soo galootiga Soomaalida iyo Eritreanka waxay Yurub u soo marayeen badda dhexe. Qaar badan ayaa noloshooda ku waayay tahriibka halka kuwii soo badbaaday ay la dhibaateysan yihiin tacadiyadii ay la kulmeen. Waxaa jira dhowr sababood oo ku kalifay in ay soo tahriibaan: Qaar badan waxay ka soo carareen cadaadis, dagaal, ama qilaafaad. Qaar kale waxay ka soo carareen gaajo ama xaalada wadankooda oo sii xumaatay ama wadamada ay ku noolaayeen. Qaar kale waxaa soo jiitay been-abuurka muqalasiinta iyo sawirada ay ku arkaan internetka iyo in ay raacaan wadadii ay mareen asxaabtooda.

Inkastoo qaar ay la socdaan khataraha tahriibka ayaysan qaar badan oo ka mid ah qaxootiga si fiican u fahansaneyn dhibaatooyinka iyo tacadiyada ay kala kulmi karaan tahriibka. Waxay sidoo kale Yurub ka aaminsanyihiin fikrado qaldan iyaga oo aan la socon sharciyada qaxootiga ee Yurub.

Mashruuca Soo Bandhigida Xaqiiqada waxa uu soo bandhigayaa qisooyin dhabta ah ee qaxootiga iyo soo galootiga soo tahriibay. Waxay la hadlayaan bulshadooda iyaga oo ka waramaya waxyaabihii ay la soo kulmeen kuwa fiican iyo kuwa xun. Qisooyinkaan waxay ka saacidayaan qofka doonaya in uu soo tahriibo in uu helo macluumaad ku saabsan khataraha tahriibka si ay u gaaraan go’aan wax ku ool ah oo ay isugu diyaariyaan khataraha ay la kulmi karaan.

Mashruuca Soo Bandhigida Xaqiiqada waxay UNHCR ka saacidaysaa Soomaalida iyo Eritreanka geesiyiinta ah in ay afkooda ugu soo bandhigaan dhamaan kuwa dhagaysanaya qisooyinkooda.

Xuquuqda in qofku uu magangalyo dalbado waa mid caalami ah, oo qofna lagama hor-istaagi karo in uu xuquuqdiisa helo. Balse go’aanka in qofku uu bilaabo tahriibka dheer ee Yurub waa mid nolosha si weyn u saameynaya – keliya ma saameynayo qofka tahriibaya balse xitaa qoykiisa, sidaa darteed waa muhiim in go’aanka lagu saleeyo macluumaad dhamaystiran.

Ku saabsan UNHCR

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Qaxootiga – UNCHR – waxa uu hogaamiyaa iskuna dubaridaa ficiliada caalamiga ah ee lagu difaacayo qaxootiga laguna xalinayo dhibaatoyinkooda aduunka oo dhan.

Ujeedada UNHCR waa in ay ilaaliso xuquuqda iyo wanaaga qaxootiga. Hay’adu waxay ku dadaalaysaa in ay xaqiijiso in qofkasta uu xuquuqdiisa magangalyo ka helo wadan kale, iyo in la siiyo fursad uu ku laabto wadankiisa si aan qasab ahayn, in uu dhex galo bulshada ama in uu dib u deggo wadan sadexaad. Waxay kale oo qaabilsantahay caawinta dadka aan wadanka lahayn.

unhcr.org